BREAKING NEWS

Sarkaal Kiiniyaan Ah “Waanu Ka Heshiinay Maamulka Jubbland Xudduuda & Kuwo 20 sano Kor Soo Gaadhay Beled-Xaawo Ayaa Dhibka Wadda (DAAWO VIDEO)

Waxaan maanta si cad u iibsaday xuduuda dalka Kenya iyo Soomaliya Maamulka Goboleedka Jubbland ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe. Waxa uu sheegay Sarkaalkan Maxamed Saalax ee Kenya u qaabilsan arimaha amaanka deegaankaas ayaa yidhi “kuwa qaylinaya ay 20 sano ka hor ayay soo gaadheen deegaanka, isaga oo u fasiray inay lahayn deegaankan oo laga rari doono.

Waxuu si cad u sheegay in waxkasta laga heshiiyay, halkan ay maamulka Jubbland la soo taagan yihiin in la halkiyay arimaha darbigii la waday ee xuduuda beled-xaawo. Waxay tani ku tusaysaa in maamulka Jubbland uu gabi ahaaba iibsaday Xuduudaas oo dhan. Waana tan uu Axmed madoobe ku difaacayo Dowladda Kenya ee ku illaalisa  magaalada Kismaayo.

Waxaa hubaal in hada ay dowladdii dhexe ay meesha ka baxday oo maamul Goboleedkii howshoodii ay qabanayaan oo ayba dhameeyeen sida uu noo sheegay Sarkaalkan Maxamed Saalax oo aan waxba qarin. Balse beenta kuwo jubbland uu banaanka keenay. BAL DAAWO SIDA AY BEENTA U SHEEGAYAAN KUWO MAAMULKA JUBBLAND.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top