BREAKING NEWS

Cali Xaaji Warsame “Xaalada Puntland oo Meel Miino Qarax Lagu Dulfadhiyo” (DHAGAYSO)

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay bandhig ku saabsan shaqooyinka oo Garoowe laga daah-furay, ayaa dowladda Puntland iyo shirkadaha ganacsiga ugu baaqay in ay sameeyaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dhalinyarada waxbartay ee shaqo la’aanta.

Mudane.Cali Xaaji oo soo xiganaya diraasad laga sameeyay heerka shaqo-la’aanta ka jirta degaannada Puntland,ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ee waxbartay 30% keliyah ay shaqeeyaan,isagoo da’yarta ku dhiirri-geliyay in aysan marnaba yasin shaqooyinka hoose ee lagu meel-gaaro.

“Waxaan idiin sheegaya,waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa,miinadaas meel ay nala aadayso ma naqaan. Ma badda ayey ku dhammandoonaan? Ma cid kale ayaa ka faa’idaysan doonta?” ayuu yiri Xaaji.

HALKAN KA DHAGAYSI

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top