BREAKING NEWS

Doorashadii Dalka Masar oo Lagu Kala Baxay & Yaase Soo Baxay (DAAWO VIDEO)

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya magaalada Qaahira ayaa waxa ay sheegayaan in doorashadii madaxtenimo ee dalka Masar uu mar kale ku guuleystay madaxweynaha talada dalkaasi haya ee Abdel Fattah al-Sisi.

Abdel Fattah al-Sisi ayaa helay boqolkiiba sagaashan iyo labo codadka doorashada, sida ay baahisay warbaahinta kala duwan ee dowladda sida jariidadaha Al-Ahram iyo Akhbar el-Youm, iyo waliba MEN.

23 milyan oo ka mid ah 60 milyan oo xaq u leh doorashada dalkaasi ayaa codeeyay saddexdii maalmood ee doorashadu socotay, waxaana ay soo gabangabowday codbixinta maalintii shalay.

Al-Sisi ayaa markaii ugu horreysay xukunka dalkaasi ku qabsaday afgambi, isagoona xilligaasi 2011-kii xukunka ka tuuray madaxweynehii sanadada badan soo xukumayay dalkaasi ee Xusni Mubarak.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top