BREAKING NEWS

Golaha Aqalka Sare Oo Shaaciyey Inuu Burburay Xalinta Khilaafkii Ka Dhex Jiray Gudoonka Golaha shacabka

Xubno uu golaha aqalka sare u xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka ka dhex oogan gudoonka golaha shacabka ayaa caawa shaaciyey in ay ku guul darysteen dhex dhexaadintii ay ka wadeen arintaasi.

Golahan oo ka kooban 7 xubnood ayuu aqalka sare kal hore u xil saaray xalinta khilaafkaasi,waxana kulan ay caawa muqdisho ku yeesheen saxaafada ugu sheegeen in ay ku guul dareysteen waan waantii ay ula tageen gudoonka golaha shacabka.

Gudigan oo uu horkacayey Gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdilaahi,ayaa warfidiyeenada u sheegay in ay kulamo gaar gaar ah oo natiijo la’aan ku soo gaba gaboobay ay la yeesheen dhinacayo is haya.

Gudoonka golaha shacabka ayaa xiligan aad isku khilaafsan,waxana khilaafkaasi uu ka dhashay mooshin laga keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka,kaasoo xildhibaano kalana ay caawa shaaciyeen inuu bur buray,iyagoo u cugsaday arintaasi qodobo xeer hoosaadka ku jira.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top