BREAKING NEWS

Gudoomiye Jawaari Seefta La Soo Baxay Kuna Dhawaaqay Ajendaha Kulanka Sabtida ee Golaha Shacabka (DHAGAYSO)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogta Golaha, kulanka waxaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee horyaalla Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, xubnaha Guddiyada joogtada ah, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo Hab dhowrayaasha ayaa ku sugnaa kulanka, sida lagu arkay sawirro xubnahan laga soo qaaday.

HALKAN KA DHAGAYSO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top