BREAKING NEWS

Dadka Reer Muzambique oo Fiise La’aan ku Imaan Doona Kenya & Uhuru Kenyatta “Xaduudo beenaadka ay Abuureen Gumeysteyaashi & Darbiga Soomaliya Kala Fog

Dadka reer Muzambique ayaa fiise la’aan ku imaan doona Kenya sida ay ku heshiiyeen labada madaxweyne ee dalalka Kenya iyo Mozambique.

Madaxweyne Uhuru ayaa iminka booqasho dhowr maalmood ah kujooga Mozambique. Waxaa uu kula kulmay dhiggiisa Maputo oo ah xarunta dalkaasi Mozambique. Sidoo kale ayaa waxaa safarka ku wehelisa madaxweynaha marwada 1aad Margaret Kenyatta.

Madaxweynaha dalkaas Filipe Nyusi ayaa si diiran usoo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha.
“Aabeyaasheen waxay u dagaalameen xorriyada siyaasada. Anaga ayay tahay waajib na saaran inaan xaqiijino xornimada dhanka dhaqaalaha ah”. Sidaa ayaa uu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Waa inaan meesha ka saarnaa xaduudo beenaadka ay abuureen gumeysteyaashii si dadkeenu si xor ah ugu safraan u wada ganacsadaan isuna guursadaan”. Madaxweyne Kenyatta ayaa intaasi sii raaciyay.

“Waxaan ka codsanayaa walaalaheen rag iyo dumar dadka reer Mozambique inay fursadaa ka faaiideystaan oo ay Kenya maal gashadaan lana ganacsadaan walaalahood reer Kenya, rag iyo dumarba’. Intaasina waa uu sii raaciyay mar kale.

Xiriirka Kenya iyo dalkaas ayaa ah mid soo jireen ah waxaana lasoo bilaabay 1975 iyo ka hor. Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in qawmiyada Makonde oo ku nool Kenya ay asal ahaan kasoo jeedo Mozambique haatana sharciyo ayaa xubnaheeda laga siiyay dalkan Kenya.

Dhawaan ayaa dadkaas oo sidoo kale laga helo Tanzania iyo Mozambique waxaa xubnahooda oo tobanaan sano ka hor soo galay Kenya la siiyay kibaandheyaal ayada oo qawmiyadaas si rasmi ah loogu aqoonsaday inay tahay beesha 43aad ee beelaha daga Kenya.

Sanadkii hore ayaa si rasmi ah dawladu ugu aqoonsatay inay qeyb ka yihiin qabiilada Kenya daga waxaana xaflad arinkaasi lagu maamuusayay goob joog u ahaa madaxweyne Uhuru qudhiisa.

“Maahan arinku in wax lagu helo laakiin waa natiijada aaminaada dhabta ah ee midnimada iyo wadajirka dadka kunool qaarada Afrika asalkii ay doonaanba ha lahaadaane. Waxay taasi sidoo kale abuudhay xiriir gaar ah oo walaaltinimo oo u dhexeeya shacuubta labada dal”.

Madaxweynaha ayaa xusay in luuqada Kiswahiliga looga hadlo labada dal ee Mozambique iyo Kenya taasoo keeneysa in dawladaha labada dalba ay xil iska saaraan horumarinta afka Kiswahili oo haatan ah mid ka mid ah luuqadaha rasmiga ah ee u diiwaan gashan midowga Afrika.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top