BREAKING NEWS

DP World Iyo Djabouti oo Dagaalkoodii Cirka Isku Shareeray & Xaalada oo Cakin

Shirkadda Afraad ee dunida ugu weyn dhinaca maal gelinta dekedaha Caalamka ee DP World ayaa ganaf ku dhufatay go’aanka xukuumadda Djabouti ay ku sheegtay in ay iibinayso saamigii ay Dekeda Dooraalle ku lahayd Shirkadaasi.

Saamigan oo ahaa 33 ayay shirkaddu sheegtay in ay tahay go’aan khaldan oo ay qaadatay Dawladda Djabouti.

Maareeyaha Dekedaha iyo Aagga Cashuuraha Ka Caaggan ee wadanka Djabouti Aboubakar Hadi ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay iibsadaan saamiggii Dekeda ay ku lahayd shirkadda DP World.

Afhayeen u hadlay Shirkadda DP World ayaa sheegay in aanay wax dalab ah ka helin Xukuumadda Jabuuti kaas oo ku saabsan in ay ka iibsan doonaan saamigooda.

Waxa kale oo uu afhayeenkaasi xusay in ay jirto Dacwad ay gudbiyeen maxkamada ka garnaqda heshiisyada ee ku taala dalka Ingiriiska.

“Sidii aan u horeba u sheegnay waxa jirta Kiis ka dhan ah Gardarooyinka dawladda Djabouti oo aanu u gudbinay maxakada uu fadhigeedu Yahay Ingiriiska” ayuu yidhi.

Dawladda Djabouti ayaa bishii aynu ka soo gudubnay sheegtay in ay shirkada DP World kala noqotay maal gelintii ay u siisay dekeda Dooraale.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top