Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn ee Wadajir oo inta Badan ka Shaqeeya Bilicda Magaalada ayaa Maanta Waxay Shaqo adag ka Qabteen Buundada Wadada Laamiga ee Bangiga hortiisa Halkaas oo Dayactir Balaadhan ay ku Sameeyeen kadib Markii ay Gaadiidku Dhibaato kala Kulmeen.
Dhalinyaradan ayaa Hore shaqooyinka ay Soo Qabteen Waxaa ka mid ah Nadiifinta Wadada Laamiga ah Maadaama aysan Gobolka iyo Degmada Buuhoodle aysan ka jirin Dawlad Hoose oo arrimahan ka Shaqaysa.
Dhalintan Ururka WadaJir ayaa Markasta u Taagan Qurxinta iyo Bilicda Magaalada Buuhoodle Waxayna u Baahan yihiin Garab Maadaama Hada aysan Cidna ku Tiirsanayn.