Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday kolonyo katirsan ciidamada Burundi oo marayay deegaano katirsan gobalka shabeellaha dhaxe.
Wararka ka imaanaya deegaanka Cali-Fooldheere oo dhanka Waqooyi Uga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in halkaasi ay ku hardameen xoogag Al-shabaab iyo ciidamo katirsan Amisom.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo Burundi ah oo ka anba baxay Mahadaay kuna sii jeeday degaanka Cali-Fooldheere uu dagaal ku qabsaday duleedka degmada mahadaay ee gobalka sh/dhaxe.
Weerarka kadib Kolonyada ciidama Amisom ayaa la sheegay iney tuurayeen madaafiic aan la garan ilaa hada khasaaraha ay dhaliyeen iyo halka ay ku garaacayeen intaba.
War kasoo baxay Kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku bur buriyeen xamuul ah oo kamid ahaa gadiidka ay isticmaalayeen ciidamada Burundi ee weerarka dhaba galka ah la kulmay.