BREAKING NEWS

Al Shabaab Dalka Lagu Qabsanayo Oo Sheegtay Masuuliyada Dilal Qorsheysan Oo Muqdisho Ka Dhacay

Ururka Al Shabaab ayaa idaacada afkooda ku hadasha ka baahiyey in ay caawa magaalada muqdisho gaar ahaan dagmada Xamar Weyne ku dhaawaceen gudoomiye waxeed ka tirsnaa dagmada xamar weyne oo lagu magacaabayey Cabdi Fagaase.

Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay dileen Axmed oo la socday Gudoomiye Waaxeedka la dhaawacay iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal ka tirsan dowlada.

Shabaabka ayaa sidoo kale warkan ku faafiyey baraha ay internetka ku leeyihiin,waxeyna si cad u sheegteen masuuliyada dilka iyo kan dhaawaca,iyagoo xusay in ay in muddo ah qorsheynayeen qaarajinta ragaasi.

ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in raga falkaasi gaystay oo baxsaday ay ku labisnaayeen dareyska ciidamada milatariga Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top