Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu danbeeyay Xiisada Siyaasadeed ee ka aloosan ee u dhaxeeysa Xildhibaanada Golaha Shacabka,taasi oo ka soo bilaabatay mooshin laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari.
Waxaa wali magaalada Muqdisho laga dareemayaa Khilaafka Golaha Shacabka,inkastoo dadka badan ay ku niyad qaboobeen tallaabadii uu madaxweyne Farmaajo uu ku baajiyay kullankii shalay ay ku balansanaayeen Xildhibaanada.
Sidoo kale,waxay warar dheeraad ah ka soo baxayaan tirada Ciidamada ee la dhigay Xarunta Golaha Shacabka oo muranka ugu badan uu ka taagnaa ka dib markii Xukuumadda Soomaaliya Ciidamo cusub ay dhigtay.
Warar soo baxayay ayaa sheegayay inuu is casilayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaarin,inkastoo markii danbe war ka soo baxay Guddoonka Golaha lagu beeniyay arrintaasi.