BREAKING NEWS

Dowlada Somalia oo Ku Guuleysatay Wejigii Koowaad & Cafiska Daymihii Lagu Lahaa (DAAWO VIDEO)

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay sadexdii bilood ee sanadkaan 2018 ugu horeysay inay soo xareyso dakhli gaaraya 42 milyan oo dollar, taasoo qayb ka ah Fulinta Qorshaha deymaha looga cafinayo.

Waxay talaabadan ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ku guuleystay barnaamijka SMP2 oo sahlaya in deymaha IMF laga cafiyo.

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo iyo bogaadin ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda dalka, ka dib guusha ay wasaaraddu ka soo hoysay dakhliga gudaha sadexdii Bilood ee la soo dhaafay.

Raisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday inay xoogga saaraan ururinta Canshuuraha Barriga, si dowladu ay isku filnaasho dhinaca dhaqaalaha ah u gaarto.

Wasiir Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay inay si habsami leh u socoto howsha canshuuraha, isagoo xusay in amaanta ay mudan yihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada u saareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo inuu kor uga koco sidii uu ahaa, taasoo hadda lagu guuleystay.

blank

blank

blank

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top