BREAKING NEWS

Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horaysay qaaday Tallaabo lagaga cafinayo dayntan tiro beelka ah-Akhriso

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay tallaabadii koowaad ee Hey’adda IMF ay deymaha ugu cafineyso, kaddib markii ay buuxisay shuruudii koowaad ee barnaamijka SMP oo ay horay Wasaaradda Maaliyada ula saxiixatay Hey’adda IMF.

Barnaamijka SMP2 ayaa ah mid dowladda Soomaaliya u sahlaya in deymaha looga cafiyo, hadii ay buuxiso shuruudaha hor-yaala, waxaana saddexdii bilood ee u horeysay ay ku guuleysatay inay soo xareyso dakhliga gudaha ee looga baahnaa mudadaas oo ahaa lacag gaareysa 41-milyan oo dollar.

Sanadkan gudihiisa ayaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay ku buuxiso shuruudaha kale u harsan ee Barnaamijka SMP, kaasoo ah jidkii deymaha looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in wax badan u suura galay 3-dii bil ee la soo dhaafay, isla markaana ay rajeynayaa inta dhiman ay ku guuleystaan.

“3-dii bil ee la soo dhaafay Wax badan ayaa inoo suuroobay kuwa kale oo badanna way inoo hadheen, Waxaa balan ah inaan dakhliga kordhino si aan ugu adeegno dalka iyo dadka”ayuu yiri Wasiir Beyle qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Beyle, Wasiir kuxigeenka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Barnaamijka SMP ayaa soo bilowday sanadkii 2016, xilligaasoo heshiis deyn cafin ah ay kala saxiixdeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubno ka socday Hey’adda IMF.

 

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top