Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyananada Al-Shabaab ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.
HALKAN KA DHAGAYSO
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay qaadi doonaan dagaal, islamarkaana ay isku diyaariyaan sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen degaano ay gacanta ku hayaan.
Dagaalka ayuu sheegay in uu ka bilaaban doono degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale xusay in dhammaan degaanada Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgalladaasi, isagoona sheegay in ciidamada Galmudug ay gali doonaan dagaal dheer.