Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ay ka sameeyeen degmooyinka shibis iyo xamar weyne ku soo qabteen dadka lala xiriirinayo iney ku guda jireen falal amni daro.
HALKAN KA DHAGAYSO
Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in dadkaasi dhawaan loosoo bandhigi doono Warbaahinta, islamarkaana sharciga la marsiin doono.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta ugu warbixiyay koormeerka Ra’isal Wasaaraha iyo howlgalada amniga lagu xaqiijinayo ee ciidamada amaanka ka sameeyeen muqdisho
Hadalka Gudoomiye ku xigeenka ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhacaayeen falal lidi ku ah Ammaanka.
Degmada Xamarweyne ayaa xalay lagu weeraray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada waxaana loo geystay dil iyo dhaawac, iyadoona la sheegay in ay baxsadeen kooxihii Weerarka geystay