BREAKING NEWS

Sheikh Fu’aad Shoongale Iyo Saraakiisha Sare Al-Shabaab Isku Hub Aruursanayo

Waxaa soo baxaya Khilaafkii ugu xooganaa inuu ka bilowday Qorshe uu Sheikh Fu’aad soo bandhigay oo ah in la joojiyo Qaraxyada micndarada ah ee lala beegsanayo goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah,islamarkaan si toos ah loo bartilmaameedsado fariismaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa shisheeye ee caawinaya.

Illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in hadda Sheikh Fu’aad Shoongale iyo dagaalyahano uu hogaaminayo ay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,halkaasi oo si aad ah loogu ilaalinayo.

Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Labadan mas’uul oo haddii ay is khilaafaan dhibaato hor leh iyo dhabar jab ku ah Al-Shabaab iyo hamigooda dagaal.

Ururka Al-Shabaab ayaa Qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhibaatada ugu xoogan ay ka soo gaarto dadka rayidka ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top