BREAKING NEWS

Maxay Kala Kulmeen Isimada Puntland Ciidanka Somaliland ee Ku Sugan Tukaraq iyo Garaad Ciid oo Dhaliilay Muuse Biixi.

Qaar kamid ah isimada ugu caansan deegaamada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa dhowaan gaarey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Isimadaan oo uu kamid ahaa Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa waxaa ujeedkoodu ahaa sidii ay ula kulmi lahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Tukaraq iyo waxgaradka deegaankaasi, ayna wax iska waydiin lahaayeen sidii looga hortagi lahaa dagaal ka dhaca deegaanka.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid Afhayeenka Isimada Puntland ayaa sheegay inuu lakulmay odayaasha deegaanka sidoo kalena uu arkay ciidanka Soomaaliland iyo goobaha ay joogaan islamarkaana ay wax iska waydiiyeen sidii dagaal la’aan ay uga bixi lahaayeen deegaanka.

Dhanka kalena, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa siweyn u dhaliilay siyaasadda madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu la yimi hab jamhadayn ah oo aan dunidaan casriga ah looga baahnayn.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top