BREAKING NEWS

Taliska Amisom oo Shaaciyay Tirada Ugu Dhimatay Weerarkii Ka Dhacay Buula Baruur

Ayada oo maal mihii u daneeyay ay socdeen dagaal toos ah ayaa hada Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay shalay weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xero Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ku lahaayeen Degmada Buulo Mareer.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxa ay sidoo kale labada dhinac dagaalkaasi mid waliba ka sheegtay guul.

Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo Richard Karemire, ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Buulo Mareer lagu dilay 4 askari oo kasoo jeeda dalka Uganda afar kalana lagu dhaawacay.

Richard Karemire, ayaa sheegay in dagaalkii shalay guulo ka gaareen kuna jabiyeen dagaalyhanadii soo weerarary, waxa uuna shaaciyay in 22 dagaalyahan oo Al Shabaab katirsan weerrakaasi ku dileen.

Al Shabaab ayaa dhankeeda horey u shaacisay in weerarkii Buulo Mareer ku dileen 59-askari oo katirsan Ciidamada AMISOM, waxa ayna Al Shababa sidoo kale dhankooda qirteen in dagalakaasi looga dilay 14-dagaalyahan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top