BREAKING NEWS

Xildhibaan Fiqi oo Doonaya In Arabaca Dagaal Ka Dhaco Gudaha Baarlamaanka & Labada Xisbi ee Taageersan Jawaari Hubkii Muqdisho Ku Diyaarsaday Dagaalka (DAAWO VIDEO)

Xildhibaano taageersan gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka digeen in kulan aan loo dhamayn la qabto maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Waxay ku eedeeyeen masuuliyiinta Xukuumada iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Cabdi weli Muudey inay fowdo ka wadaan dalka ayna ka shaqeynayaan iney u wax dhimaan nidaamka dowladeed ee ka jira. Balse kuwan uu hogaaminayo Xildhibaan fiqi iyo mahad salaad oo diyaarinaya Tiknikadii lagu dagaalami lahaa isaga o si toos ah ugu amar qaata Cumar Cabdirashiid oo ninka doonaya inay bur-burto dowlada uu hogaaminayo Farmaajo

“Waxaan  aaminsannahay haddii la isku dayo in shir lagu bedelayo kii sabtidii lagu qabto Muqdisho Arbacada waxay dhalin doontaa xiisad ka weyn tii Sabtidii dhacday.”ayaa lagu yiri shir jaraa’id ee ay qabteen xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu wax ka qabto arintan. Waana tan uu soo hogaaminayo Gudoomiye Jawaari oo doonaya in Farmaajo uu Dalka galiyo dagaalk. Kadibna beesha caalamka ee u shaqayo ay ku tidhaahdo iska dhiib Dalka Sidaasna uu isagu ku hello inuu sii joogo kursigi uu ugu shaqaynaya dowladdaha shiyeeye ee doonaya inay dalkan burburiyaan.

Xiisad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan loo maaro la’yahay ayaa weli ka dhex aloosan baarlamanka Somalia kuwaasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari, mana cadda halka xaalku ku dambeyn doono.

Isku soo wada duubow, waxaa magaalada Muqdisho ku soo biiray tikniko badan oo ay la soo baxeen xildhibaanada qaska wada, kuwaas oo baaburta cabdi bilayaasha saaray qori sakaawaha oo dabo dhiib ah, waxaana lagu yiqiinay ciidamada Maamulka Somaliland. Waana markii ugu horaysay in lagu dhex arkay gawaadhida qoryahaas saaran iskgooyska N0.4 oo meesha magaalada ugu Qurux badan.

HALKAN KA DAAWO FIQI OO LEH DAGAAL XUN BAA DACAYA

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top