BREAKING NEWS

Al-shabaab oo BurBuray Shebeelada Hoose/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Jubbooyinka oo Loogu Galay & Xaalad Culus La Soo Daristay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano ay qaarkood ay mararka qaar weeraro ka sooqaadi jireen Al-Shabaab.

Deegaananda ay Saraakiisha ciidamada dowladda sheegeen in howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah,Ceeloow,Maquuf,yabaarayeelle,Sheekh Xasan,Afar-irdood,Dhirimaadle,hees ilaa Garbo,isla markana uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo sii socon doono ilaa deegaanada ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab laga saarayo,isla markana ay howlgalka ku wehlinayaan Ciidamada AMISOM.

Howlgallada ayaa waxa ay ku soo aadayaan xili dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay deegaan Hees oo dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab

Dhinaca kale Saacidihii ugu dambeeyay waxaa gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya, dhalinyaro kala duwan oo ka soo baxsaday deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab ee Gobolka Mudug.

Dhalinyaradaan ayaa ka baxsaday in si qasab ah loo askareeyo, kadib markii Madax ka tirsan Shabaab ay ku amreen beelaha dega nawaaxiga Degmada Xaradheere inay keenaan dhalinyaro Shabaab lagu biiriyo.

Waalidiinta dhalaya dhalinyarada ayaa ka biyo diiday in carruurtooda ay raaciyaan Shabaab, waxayna go’aansadeen inay la baxsadaan carruurtooda oo ay geeyaan dhulka aysan Shabaab ku sugnayn.

Shalay illaa maanta ayaa la sheegay Magaalada Cadaado, Baxdo iyo Xinlabi inay gaareen dhalinyaro badan oo waalidiintooda ay la carareen, kadib markii Shabaab ay kala soo baxsadeen.

Al Shabaab ayaa dadka nawaaxiga Degmada Xarardheere waxa ay waydiisteen inay keenaan 100 dhalinyaro ah oo tababar la siiyo, kadibna lagu biiriyo Shabaab, waana midda keentay waalidiinta in carruurtooda la baxsadaan.

Dhalinyarada qaar ayaa la sheegay inay lugeynayeen masaafo dhan 100-KM, iyaga oo ka cabsi qabay haddii ay gaadiid raacaan in Koontaroolada Shabaab ay maamulaan gaadiidka in loogala dago.

Al Shabaab ayaa inta badan qabiilada waxa ay waydiistaan inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta, si ay ugu biiraan ciidanka Shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top