BREAKING NEWS

DEG DEG:-Meydka qof la garan waayay oo lagu arkay Xaafad ka tirsan Muqdisho (Dhageyso)

Meydka qof la garan waayay ayaa lagu arkay mid ka mid ah xaafadaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu xir xiran yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in meydka la soo dhigay xalay saqdii dhexe Xaafada Nageyle, waxaana jirkiisa ahaa mid bararan.

Wararka ayaa sheegaya in meydka da’diisa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 20-30 jir, sida uu ku soo waramayo qof ka mid ah dadka ku nool degmada Kaaraan.

Lama oga waxa sababay dilkiisa, balse waxaa la sheegayaa in aanu jirkiisa wax rasaas ah ka muuqan, taasoo laga yaabo in dilkiisa qaab kale loo adeegsaday.

Maamulka degmada Kaaraan oo dhacdadan lagu wargeliyay ayaa wali hadal ka soo saarin, waxaana goor dambe la qaaday meydkiisa.

HALKAN KA DHAGAYSO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top