BREAKING NEWS

MD Farmaajo oo Jaawri Ku Amray Inuu Iscasilo & Maxaase Dhexmaray

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu iscasilo.

Kulan ay si wadajir ah u qaateen Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdella Cawad ayaa dood dheer ka dib lagu kala tagay caro iyo isfaham waa, taas oo sii kicineysa Xiisada taagan.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay codka Xildhibaanada inuu ku baxo ama uu ku joogo wixii ka dheerna uusan aqbaleyn, isagoo Madaxweynaha u cadeeyay in sinna uusan isku casileyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Guddoomiyaha in xalka dalka lagu badbaadin karo uu yahay inuu xilka ka tago, si deg deg ahna Golaha Shacabka usoo doorto Guddoomiye bedela isaga.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Mooshinka waday ayaa iyana la sheegay in aysan ka tanaasuleyn mowqifkooda, isla markaana ka go’an tahay in Mooshinka Jawaari ay horgeynayaan Baarlamaanka maalinta berri oo Arbaco ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top