BREAKING NEWS

Puntland oo Toogasho ku xukuntay Askarigii dhawaan uga baxsaday Somaliland isaga oo wata Gaadhi Dagaal…

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa ku xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsanaa ciidamada difaaca ee Puntland, kaasi oo isku dhiibay maamulka Somaliland, lana goostay gaari dagaal iyo hub fara badan oo ay lahaayeen ciidamada Puntland, waxa uuna la galay deegaanada ay maamusho maamulka Somaliland.

Maxkamadda dambiyada culus ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Maxamed Maxamuud Guure oo la goostay baabuur nooca 3f-ka oo ay lahaayeen ciidamada difaaca ee Puntland, waxa ayna maxakamaddu si cad ay u sheegtay in lagu fulin doono xukunkan markii la soo qabto.

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida G/sare Maxamuuud ayaa saxaafadda u akhriyay xukunkaasi iyo qaabka uu u dhacay.

Arintan ayaan kusoo beegmaysa Xili uu Dhowaan ayuu isku dhiibay Somaliland, Islamarkaana la dalacsiiyey.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top