BREAKING NEWS

Xaalada Tukaraq oo Saaka Kacsan & Dagaal Ka Fool-Ka Fool Ah oo Laga Baqayo

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisad dagaal ayaa waxa ay weli ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo saddex bilood oo 6 habeen dhiman ay gacanta kuhayaan ciidanka maamulka Soomaaliland, xilli ay gaabiga kuhayaan ciidanka Puntland.

Wararka aanu ka helayno deegaamada Gambara, Tukaraq iyo Godqaboobe ayaa sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay waddaan ciidamada Puntland kuwo Khaatumo ah kugu badan ee hada dagaalka iyo Soomaaliland oo ku sugan deegaamadaasi iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka dhaca deegaanka.

Qaar kamid ah isimada ugu caansan deegaamada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa dhowaan gaarey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan iga oo ka niyad jabay maamulka uu hogaaminayo Cabdiwali Gaas oo isaga si toos ah cilaaqaad la leh Maamulka Muuse Biixi.

WIDHWIDH ONLINE NEWS DESK LA SOCO MARKASTA

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top