Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay xiligan soo gaadheen ina ka badan 180 xildhibaan lana sugayo in ay intaas ka sii bata si codka kalsoonida loogu qaado gudoomiye jawaari
Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka wakhti hore tagey ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan (Jawaari).
Sida lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka saakay waxaa ka dhacaya kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari, inkastoo laba Ajande loo kala diray xildhibaanada.