Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/llaahi Sheikh Xasan oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga hadlay khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka.
C/llaahi Sheikh Xasan ayaa ku baaqay in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari sharciga lagu kala baxo lana joojiyo fowdada laga dhex wado Golaha Shacabka.