BREAKING NEWS

Xildhibaanadii Ugu Badnaa oo Saaka Gaadhay Xarunta Baarlaamka & Jawaari Cabsi Darteed Gurgiis Wali Ku Sugan

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa  kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana kulankan uu yahay mid xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray dhamaan hay’adaha dalka

Xubnaha Xildhibaanada ayaa xalay loo kala diray laba fariin oo kala xambaarsanaa laba Ajande oo kala duwan, waxaana fariimahaasi kala diray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Muudey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaanada xalay ku wargeliyay inuu jiro kulanka Baarlamaanka oo looga hadlayo xiisada ka taagan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kaloo jirtay fariin kale oo xildhibaanada uu u diray Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey, taasi oo ku saabsaneyd in maanta xildhibaanada ay cod u qaadayaan Mooshinka Jawaari.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top