BREAKING NEWS

Bahal Weerar ka Geestay Deegaanka widhwidh{Sawiro}

Waxaa Cusbitaalka Degmada widhwidh ee Gobolka Cayn maanta la soo gaadhsiiyay Dhaawaca Wiil yar oo Da’ahaan lagu sheegay 15 jir kana mid ah Ardayda Deegaankaasi waxkabarata.

Cabdilaahi Axmed Maxamed oo ah ardayga dhurwaagu weeraray ayaa saaka waxaa haleelay isagoo ku sii jeeda goob waxbarasho Bahalka soomaalidu u taqaan Waraabe/dhurwaa kaaso kaga soo booday wiilkan yar Doox Biyo Mareen ah.

Dhurwaaga waraabaha ayaa weerarku qaaday wiilkan yar isagna burbursaday shanta farood ee gacanta.

Dadka deegaanka ayaa ku guulastay inay dilaan warabahaasi oo daqiiqado kadib uun la helay isagoo aan ka fogen goobtii uu ka geestay weerarka.

Maaha dhacdo cusub in xawayaanka lagu yaqaan cunista xoolaha uu hada isku badalo cunista dadka balse waa dhacdo ku cusub deegaankaasi.blankblankblankblankblank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top