BREAKING NEWS

Maxuu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Ka Yidhi Khilaafka Baarlamaanka (DAAWO VEDIO)

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka Soomaaliya oo u kala qeybsan labo garab oo qeyb ka mid ah taageero ka heysato Xukuumadda ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in sababta mooshinka ay gadaal uga riixeyso tahay in ay helaan Nin ay sidii ay doonaan ka yeelan karaan.

HALKAN KA DAAWO VEDIO

Samatar waxaa uu sheegay in Ragga hadda haya Talada dalka gaar ahaan Ra’isalwasaaraha iyo Maadxweynaha ay xilligan ka fakarayaan sidii ay muddo dheer dalka u sii maamuli lahayeen muddo dheer.

Waxaa uu soo jeediyay in kulan dhex dhexaad ah oo lagu kala baxo la qabto,kaas oo uu shir guddoominayo qof ay ku kalsoonyihiin labada dhinaca.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Guddoomiayaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi in uu shir guddoomiyo kulanka islamarkaana dhinacyada iska soo horjeeda ay codadkooda la yimaadaan madasha ciddii laga badiyana ay iska tagto

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Maxuu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Ka Yidhi Khilaafka Baarlamaanka (DAAWO VEDIO)”

    1. blank Axmed says:

      Professore dei miei stivali. Markasta sidii dumarka ayuu dadka wax ka sheegaa. Hadaad wax saxeyso gobolkaad ka timi kala hadal gooni u istaaga iyo waalida soomali neceybka. WAXAA QOFKASTA AAN AHEYN DADKA GOBOLADA AAD KA TIMI INEY NECEBYIHIIN WANAAGA KOOFURTA

    Comments are closed.

    scroll to top