BREAKING NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalkii Muqdisho

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Dagaal xoogan oo Ciidamada ka wada tirsan Dowladda ku dhex maray Xaafado kamid ah Degmada deyniile ee Magaalada Muqdisho.

Xaafadaha lagu dul dagaalamay ayaa ah halka loo yaqaano 77 Ama Haanta Dheer ee Degmada deyniile, Dagaalka ayaa udhexeeya Ciidamo u abaabulan Qaab beeleed iyadoo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, Goob Joogayaal ayaa soo sheegay iney maqlayeen Qoriga dhashiikaha iyo Hubka gawaarida Ciidanka ka dhaca.

Dagaalka ayaa salka ku haya isqabqabsi la xiriira dhul lakala xoogay oo ku yaala Xaafada 77, Waxaana wali is hor fadhiya Dhinacyadii dagaalamay waloow rasaasta qaboowday.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya inuu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka kuwaasoo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay, Sidoo kale waxaa jira Rasaasta haleeshay dad shacab ah oo Meesha lagu dagaalamay ku sugnaa iyo kuwo ay Xaafadahooda ugu tagtay.

Dhinacyada dagaalamay ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu dagaalamy Deegaanka, Waxaana jirin wax xal ah oo ay Dowladda uheshay Dagaalka uu dhiiga abdan ku daatay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top