BREAKING NEWS

DEG DEG:- Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho

Qarax labaad oo ismiidaamin ah ayaa daqiiqado ka hor abaara 2:20 daqiiqo duhurnimo waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Warar hordhac ah ayaa shgeegaya in qaraxan dambe uu ka dhacay agagaarka isbitaalka Banaadir oo ciidamada nabad sugidu ku leeyihiin bar control oo gaadiidka lagu baaro.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu waday qof isa soo m iidaamiyey, waxaana rasaas ku furay ciidamada ku sugnaa barta Kontrol oo ka shakiyey taasoo sababtay inuu halkaas ku qarxo.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay qaraxan dambe waxaana goobtaas gaaray ciidamada amaanka oo wada baaritaano sidoo kale gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa ku baxay.

Qaraxa hore oo xiligii salaada Jimcaha ka dhacay bar control oo ciidamada nabad sugidu ku leeyihiin wadada u baxda garoonka aadan cadde ayaa waxaa isna loo adeegsaday gaari miineysan oo uu waday qof isa soo miidaamiyey balse ciidamada halkaas ku sugnaa aya la sheegay iney fashiliyeen qofkii waday gaariga keliogiis ayaana ku dhintay.

Labada qarax ayaa waxaa u dhexeeyey wax ka yar labo saacadood, iyadoo laamaha amaanka dowlada aysan weli ka hadlin qaraxyadan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top