BREAKING NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool

Qaar kamid ah dabaabadka Loo yaqaan kaare oo maamulka somailand ka keenay Oog ayaa maray duleedka bari ee magaalada laascaanood kuna siijeeda jiida tukaraq.

Dhanka kale taliyaha maleeshiyaadka Somaliland nuux taani ayaa xalay xili danbe soo gaadhay magaalada laascaanood isagoo usii gudbi doona dhanka tukaraq.

Puntland ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobtay sadex aag oo kala, Aaga Godqaboobe, Aaga Boocame, Aaga Holhol, oo ah wadada kaliya ee somaliland ufuran.

Labada dhinac ee isku horfadhiya tukaraq ee Somaliland iyo Puntland waxayna ku jiraan abaabulkii udanbeeyey iyadoona ay suuragal tahay in dagaalku uu waqti kasta qarxo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top