BREAKING NEWS

Dililka Lacanood & Indha La’aanta Beesha Dhulbahante & Hoonka Beesha Reer Isxaaq + La’aanta Ku Soo Socota

Waxaan caawa Gudaha Magaalada Lascanood Lagu Dilay qofkii ugu qiimaha badnaa lascanod oo ahaa gacansatada gobolka Lascanood indhaha u ahaa. marxuunka oo lagu magacaabo Sh. Maxamed Cabdi Timir.

Shiikh Maxamed Cabdi Timir Geeridiisa ay taabatay bulshada ku dhaqan adduunka oo dhan, waana tan caawa magaalada lascanod guri kasta laga barooranayo.

Dilkan ayaa waxuu dhacay xill salaadii cishe laga soo baxay, waxuuna furtay dukaankiisa oo waligiisba uu ka gacansan jiray, waxuu galay gudaha isaga oo aan cidna ka baqayn. Waxaa weerar cad ku soo qaaday kuwo wata tuutaha Somaliland oo rag badan ah, waxana ku dhex dileen dukaankiisa

Waxaa biloowday in gudaha maheradaha la isku dillo, waxaana xigta in guryahay lagu dillo qofka kasta oo reer lascanood. Maamulka Hargaysa 10 sano ee la soo dhaafay waxay madaxa ka jareen in kabadan 76 qof oo aan la aqoon wax dilay.

Magaalada Banaankeeda Waxaa ku sugan ciidmaada Beesha Isaaqo oo iyaga markasta dhex fa’iidaysanaya iyaga oo leh adigu magaalada ayaa ka talisa ee reer helbal iska illaali. Waxayna ku dhex qariyaan ninkasta oo dhaq-dhaqaayay in la dillo iyaga oo si toos ah u abaaray marka ay ka yimaadaan xeryooninkooda.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa horay Somaliland ugu eedeeyay inay dadka dilka gaysta Xabsiyada ku hayso aan lagu Fulin Xukunka Shareecada islaamka, Taasi oo keenta in dhibku uu daba dheeraado.

Shiikh Maxamed Cabdi Timir Geeridiisa Qofkasta oo maqlay aad ayuu uga murugooday, qiimaha iyo wanaagiisa ayey dadka oo dhan uga murugoodeen, bulshada Laascaanood ku nool waxaa hortaala arrin ay lagama maarmaan tahay in ay wax ka qabtaan.

Dilalka Qorshaysan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayey magaalada Laascaanood, Waxaana Taasi dhinac socday Kuwa salka ku haya Aano Qabiil oo lagu beegsado Qofka ugu Qiimaha badan Reerka wax laga Tabanayo Taasi horseeday in indhaha la iska tuuro.

Isku soo wada duubow waxaa muuqta in magaalada lascanood lagu kala rari doono beesha Dhulbahante si 40 sano ee soo socda ay ulla wareegi lahaayeen beesha oo sheegan doono in dhulbahante halkan ku noolaan jiray. Maadaama 11 sanno ay habayn kasta la dilayay raga ninka ugu qiimaha bada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top