BREAKING NEWS

Goormay Bilaabatay” Isku dayga Gooni isu taaga Soomaaliland?

Hormo goosodku ma Soomaaliland buu ku kooban yahay mise waa mid lala wadaago?

Rabitaanka Gooni isu taaga Gobollada Waqooyi Galbeed Ee Soomaaliya, ee iminka loo yaqaan Soomaaliland ma ahayn mid iminka bilaabatay, hadaan Xoogaa taariikhda aan maanta joogno dib u riixo, Laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey kacdoonkii Gobonimo doonka ahaa ee looga soo horjeeday gumaystihii dubka cadaa, dadaal iyo juhdi dheer kadib, waxaa lasoo gaaray xiligii lagu waday in Soomaalida lasiiyo madax banaanineeda.

Taas oo jirta owgeed, Soomaalidu ma ahayn dad hal gacan ku jira, waxay u kala oodnaayeen afar qaybood, Soomaalida ku hoos jirtay Gumaystihii Ingiriiska (British Somaliland), Soomaalidii Talyaanigu Gumaysanayay(Italian Somaliland), French Somaliland oo hada loo yaqaan Jabuuti iyo Soomaalida ku hoos nool Xukunka Ethiopia iyo kan Kenya. Labadan dambe ma ahayn kuwo si toosa gacan gumaysi ugu jira, balse waxay gacanta ka baxeen kadib Maamuulkii daakhiligi ahaa, intii uu wadanka ka jiray. Soomaalida markii la waydiiyay in ay doonayaan Madax banaanidooda, waxay Qarammada midoobay ku qancisay inaysan u bilsayn inay noqdaan dawlad Caalami ah, waxaa lagu qanciyey inay u baahan yihiin dhowr sano oo layli dawladnimo ah, si ay u bartaan habka dawlad u shaqayso, sidoo kale waxaa la dooran siiyey inta ay u diyaar garoobayaan inay iyagu xafiis yadooda dawliga ah la wareegaan , inay u bahaan yihiin in mudo 10 sano ah ay kasii tirsanaadan Xukunkii Ingiriiska ama kii Talyaaniga, Soomaalidii waxay dooratay Maamulkii talyaaniga oo Qarammada midoobay ay dusha kasii maamuli doonto inta laga gaarayo 1960 oo loo balan sanaaya in Maamulkooda si iyagu u madax banaan yihiin loogu soo wareejiyo.

Go’aankaas Soomaalida ee in Talyaanigu sii maamulo ah, waxay fursad wayn siisay Ingriiskii oo labo qaybood oo waawayn gacanta ka bixiyey kuna biiriyey gumaystaha dubka madow, waxaa Iyana jirtay in Ethiopia ay hoos ka riixaysay Siyaasiyiin Soomaali, rabitaanka Ethiopia baa ku dhisnaa in Soomaalida waqooyiga ee Ingiriisku gacanta ku hayay ay diidaan inay la midoobaan Soomaalida Koonfureed, arintaas oo ahayd sababtii Labadoodu Xoriyada u kala qaateen oo 4 maalmood ay kala horeeyeen. Ethiopia waxay in badan ka dhaadhicinaysay dadkii madaxda u ahaa dhanka waqooyiga in codsadaan in kaligood madax bannaani u gaara lasiiyo oo aan la raacin Soomaaliya sida uu qoray Professor Cilmiga taariikhda ka dhiga Jaamacada Jimma (Jimma University). Professor kaan ayaa buugiisa ku xusay in rabitaanka Ethiopia uu aha in Soomaali isku duuban aysan ka dhalan geeska Afrika.

“Ethiopia’s Foreign Ministry archives also reveal Ethiopia’s role in the scheme to convince Hargeisa politicians to reject the union formula with the south, in the establishment in 1966 of the North Somalia Liberation Movement (NSLM)”

Hadaba si rabitaankaas u hirgalo Ethiopia waxay Geed gaaban iyo mid dheer ba u fuushay inay aasaasto ururo ku shaqeeya rabitaankeeda, Ururaas waxaa kamid ahaa uguna caan sanaa SNM, SSDF, USC iyo kuwo kale oo dib ka samaysmay. Si kasta oo Ethiopia ay rabitaankeeda inaysan labada dhinac midoobin oo isu tagin ah ay ugu dadaasho hadana waxaa ka xoog batay oo jiiray Hirarkii rabitaanka shacabka oo Madax banaani u jidbaysnaa balse nasiib daro shacabku ma ogayn kuwo badana wali ma oga siyaasadaas dadnayd ee xiligaas unugeedu bilowday. Ururadaas ay Ethiopia awooda saaraysay waxaa adkaa SNM.

The contact with SNM was given special attention. Irrespective of the objectives of the SNM constitution, which claimed “to promote the unity of all Somalis and protect the integrity and sovereignty of the Somalia Republic” and “to support the right of all peoples to self determination and political freedom and independence,” the Ethiopian authorities joined the SNM leadership in joint initiatives against Siad Barre.

Aas-aaska ururkii SNM wuxuu ku dhisnaa mabda’a oranaya u adeegista Raadinta Soomaali oo mid ah, basle markii dambe Shukaantii waa laga leexiyey halkii tirsigu ahaa waxayna madaxdii ururku daba mareen Xeerkii iyo qodobadii gun dhiga u ahaa curashadii SNM, matoorkii siyaasadeed ee Ethiopia ay adeegsanaysan ma ahayn oo kaliya SNM ee waxaa Iyana jiray urur kale oo la’oran jiray SSDF sida uu buugiisa ku qorayo Professor kaas ururadaas oo dhamaan laga lahaa siyaasad ah kala daadinta ummada soomaaliyeed iyadoo loo marayo Nidaam ku dhisan qabali iyo kala qaybin (Devide and rule system)

By June 1983, the movement was firmly established in Ethiopia, with freedom of movement for its political and military leaders as well as closer cooperation with similar opposition parties like SSDF.

Xiliga aan maanta joogno, waxaa jira ururo badan oo sidii kuwii hore oo kale u dhisan, balse si dadka maskaxdoda loo jeediyo waxaa loo sameeyey magacyo kala duwan, ururadaan oo kasii badan intii kuwii hore, Soomaaliya Maadama ay tay tahay wadan dadkiisu islaam yahay, hal, dhaqan iyo diin wadaaga, isla markaana ay labada gees Deris kala yihiin laba dawladood oo Xarig jiid culus uu ka dhexeeyo, labada dawladood midkoodna dooni mayo in la arko Soomaaliya oo masraxa Siyaasada dib ugu Soo laabata. Si ayna taas u dhicin waxaa la dejiyey Nidaam adag oo sii kala fogaynaya kaas oo ah Nidaamka Federaalka. Nidaamka federaalku ma xuma balse qaabkuu u samaysan yahay baa qaab sumaysan oo aan isu keeni doonin Soomaalida sababtoo ah koox kasta oo meel ku oodan waxay rumaysan tahay in dawlad ay yihiin sida (Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland) dhamaan Hormo goosadyadan ayaa ku dhisan qaabka ah, kala qaybi oo Xukun balse aan ku dhisnayn qaab rabitaan shacab ku fadhiya.

W.Q. Bashir Cumar Warsame

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top