Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu kulan kula leeyahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka oo ah mid aan horay loosii shaacin ayaa waxa ay uga wada hadlayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Golaha Sghacabka Soomaaliya ee hakadka geliyey Shaqooyinkii dowladda kaas oo inta badan laga dareemay Xafiiskyada Madaxda dowladda.
Kulankaan oo ah kii labaad ayaa Caawa waqti badan qaatay,iyada oo aa sidhab ah loo iogaan Karin waxyaabaha ugu muhiimsan ee wadahadalkooda ay iskula garteeen.
Horay ayaa labada masuul waxa dhex maray kulan aan wax natiijo ah kazoo bixin,iyada oo gudoomiya Baarlamaanka uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku yiri is casil.
Lama oga waxyaabaha kulankaan uu kaga duwanaan doono kulankii hore iyo natiijada ka soo baxdo,iyada oo uu socdo qorsho la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Golaha Shacabka Soomaaliya.