R/wasaaraha cusub ee dhowaan loo dhaariyay dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqashadiisii ugu horreysay kusoo gaaray maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka soomaalida Itoobiya.
Mr. Abiy Ahmed ayaa waxaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay madaxweynaha dowlad-deegaanka soomaaliga Itoobiya Cabdi Maxamuud Omar iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.
R/wasaaraha ayaa waxaa loo dhaadhiciyay hool ay ka socoto xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loo sameynayay kaas oo isla magaalada Jigjiga ah.
Booqashada r/wasaare Abiy ayaanan aheyn mid iska timid, waxaana uu uga go-leeyahay sidii uu isugu soo dhoweyn lahaa qowmiyadaha soomaalida iyo Oromada oo muddooyinkan dambe xurguf aad u daran oo ay ku dhinteen boqollaal dad ah ka dhaxeysay.
R/wasaaraha cusub ayaa qudhiisa kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, waxaana xilka r/wasaarenimo ee dalkaasi loo dhaariyay maalmo ka hor kadib markii uu is casilay r/wasaarihii isaga ka horreeyay ee Hailemariam Desalegn.