BREAKING NEWS

DHAGAYSO:-Taliyihii Ciidamadda Nabadsugidda ee Ceelasha Biyaha oo xalay la toogtay!!

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu dilay halkaas sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa waxa ay ku qaadeen Col.Mustafa Beer Dilaacshe oo ahaa taliyaha Nabad sugidda deegaanka Ceelasha Biyaha,sidoo kalana horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa shabaab ayaa dilay Taliyaha iyo mid kamid ahaa Ilaaladiisa kadib markii ay rasaas ku fureen, iyagoona horey u sii kaxeystay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay Col.Mustafa Beer Dilaacshe.

HALKAN KA DHAGAYSO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top