BREAKING NEWS

Diyaaradii Lacagta Saarneyd ee Muqdisho + 30 Askari Imaaraati Ah oo La Socda & Farmaajo Oo La Ridayo

Waxaa iska soo daba dhacaya macluumaadka laga helayo diyaarad lacag fara badan siday oo ka timid Imaaraadka carabta oo saacado ka hor lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in lacagta diyaarada ay siday gaareyso 13 milyan oo dollar, kaasoo qeyb ka mid loogu tala galay Ciidamada Puntland ee ay tababareen Imaaraadka Carabta iyo qeyb u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay la socdeen illaa 30 askari oo Imaaraadka ah, waxaa markii ay soo degtay la isku qabsaday in la baaro waxa ay sido, hase ahaatee diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabya ee Muqdisho ayaa diiday in la baaro, iyagoo ku dooday in xasaanad diblomaasiyadeed ay leeyihiin, maadaama agabka ay u socoto Safaaradda.

Ismaandhaafka jiray ayaa markii dambe waxaa ku soo baxay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waana loo fasaxay markii dambe.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlaya Arrintaan,waxayna qaarkood leeyihiin in lacagtaan lagu sii hurinayo xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda dalka.

Xog ay heshay WidhWidh Online, ayaa sheegay in ciidamadan iyo lacagtan lagu kala diri doono dowladda Farmaajo, waana arin lagu fasixi doono waa mushahaar 20 millyan ayaa mushahaar ah. Waa caqli xumada Dowladda Farmaajo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top