BREAKING NEWS

Sawiro::Guddoomiye Kuxigeenka Maaliyadda Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka uu Guddoomiyaha tagay waxaa kamida Warta-Nabadda,Xamar-weyne,Howlwadaag iyo Hodan,waxaana uu u kuurgalayay hanaankanay ku socdaan Adeegyada Caafimaadka, Amniga, Waxbarashada, iyo Howlaha uu Maamulka u qabto Bulshadda.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku guda jiray Kormeerka, waxaa uu la kulmay Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Taliyaasha Hay’adaha Amniga Degmooyinka, iyadoo uu kala hadlay sidii loo sugi lahaa Ammaanka Caasimadda, iyo sidii masuulyad rasmi ah la isaga saari lahaa hormarinta howlaha Maamulka uu u qabto Dadweynaha Gobolka Banadir.blankblank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top