Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday “in uu awood” adeegsan doono marka uu jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in uu ka dhacay dalka Suuriya, iyada oo reer galbeedku ay ka baaraan dagayaan jawaabta ay ka bixin lahaayeen arrintaasi.
“Waxaan noo bannaan qaabab badan oo milatari,” ayuu ku yiri Trump oo saxafiyiinta la hadlayay, wuxuuna intaas ku daray in ay go’aan gaari doonaan doonaan “wax yar ka dib”.
Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “sawir wanaagsan” ka helayo cidda ka dambaysay dhacdadii Douma ee Sabtidii.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay tobannaan ruux ku dhinteen weerarkaas lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, balse ay u muuqato in aysan macquul ahayn in laxqiijiyo.
Trump ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron xilli dambe oo Isniintii ah, labada masuulna waxay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin in tallaabo “adag ay qaadaan”.
Ra’iisulwasaaraha UK, Theresa May ayaa sheegtay in ay “si buuxda u cambaaraynayso” falkaas “waxshinimada ah” ee lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, waxayna ku baaqday in arrintaas loo qabsado dadka Bashaar Al-Asad taageera.
Dhabka kale safiirka Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka Vassily Nebenzia ayaa sheegay in uu digniin ku aadan weerarka tooska ah ee ay qorsheynayaan Mareykanka iyo xulufadiisa xukuumadda Washington , wuxuuna ku wargeliyay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto maadaama ay dalkaasi ku sugan yihiin ciidamo ruush ah.
Dowladda Ruushka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeynta ah in weerar sun ah ay dowladda Suuriya geysatay, balse waxa uu ku eedeeyay in ay sun adeegsadeen mucaaradka uu Mareykanku taageero oo awoodooda lasii wiiqayo.