BREAKING NEWS

Farmaajo & Jawaar Goordhow shir jiraa’id qabtay & jawaari oo Runta u Sheegay Farmaajo (DAAWO VEDIO)

MD  Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.

Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top