BREAKING NEWS

12 ruux oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Hiiraan

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay dagaal Beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Banyaalay hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalku uu dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed kuwaa soo kasoo kala jeedda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Waxaa ay sheegeen in dagaalkaan aysan waxbadan ka qaban karin Maadaama goobta ay jooggaan Maleeshiyo aad u hubeysan.

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan,islamarkaana ay nabad qaataan.

Waxaa uu sheegay in ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo soo Afjarilahaa Xiisadda dhawaan ay u diri doonaan wafdi.

Degaanka Banyaalay ayaa waxaa Sanadyadii lasoo dhaafay ku dagaallamaayay Maleeshiyo Beeleed , kuwaasoo isku heysta dhul daaqsimeed iyo ceelbiyood.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top