BREAKING NEWS

Dowladda Ingriiska Dalka Amisom Kaliya Ka Taqaana (Daawo Sawirada)

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Britain Col. Mark Lancaster oo booqasho aan la shaacin ku jooga Muqdisho ayaa ammaan u jeediyey howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya.

Mr. Mark Lancaster ayaa bogaadiyay sida ay Midowga Afrika ugu go’an tahay wiiqida khatarta iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Wasiiru Dowlaha ayaa kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, iyagoo ka wada hadlay howlgalada Ciidamada AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa doorka taageerada ah ee kaga beegan Britain.

Sidoo kale wuxuu Mr. Mark Lancaster xusay doorkii ay AMISOM ka soo qaadatay xasilinta Dalka Soomaaliya muddadii 11-ka Sano ahayd ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inaysan Midowga Afrika weligood joogayn Soomaaliya loona baahan yahay in horumarka guulaha ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in howlgalka taageerada Britain ee loo yaqaan UK Mission Support Team (UKMST), oo hoos imanaya mashruuca UK-7O uu kor u qaadayo tayada dhismaha iyo taageerada kale ee AMISOM iyo Ciidamada ammaanka ee Muqdisho iyo Gobollada Dalka Soomaaliya.

blank

Mark Lancaster, British Minister of State for the Armed Forces, inspects a guard of honor mounted by soldiers belonging to the African Union Mission in Somalia (AMISOM), in Mogadishu, Somalia, on 9 April 2018. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

blank

Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, the AMISOM Force Commander, receives Mark Lancaster, British Minister of State for the Armed Forces in Mogadishu, Somalia, on 9 April 2018. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

blank

Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, the AMISOM Force Commander, receives Mark Lancaster, British Minister of State for the Armed Forces in Mogadishu, Somalia, on 9 April 2018. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

blank

Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, the AMISOM Force Commander, meet with Mark Lancaster, British Minister of State for the Armed Forces in Mogadishu, Somalia, on 9 April 2018. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top