BREAKING NEWS

Dowladda oo sheegtay ciidamada Imaaraadka tababaraan in ay la wareegi doonto{Dhagayso}

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga.

HALKAN KA DHAGAYSO

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay u mahad celinaayaan dowladda Imaaraadka Carabta Tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada Generaal Goordan.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxa ay walaac ka muujiyeen Ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta oo aan qaadan Amarka Madaxda Ciidamada Soomaalida laakiin ka amarqaata dowladda Imaaraadka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top