BREAKING NEWS

DAAWO VIDEO:-Jawaari oo ku hor dhaartay Baarlamaanka,xilkiina si rasmi ah u wareejiyey maanta…

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana kulanka maanta Golaha Shacabka hor tagay khudbadna ka hor jeediyay Gudoomiyihii is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa Xildhibaanada hortooda ku sheegay in uu iska casilay Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxa uuna shaaciyay in aysan jirin koox guuleesatay ama koox laga guuleestay , wazxa uuna cadeeyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo sharciga uu guuleestay.

Gudoomiye Jawaari ayaa khudbada uu ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka uga hadlay waxyaabo badan, waxa uuna ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo caqabadaihii uu lasoo kulmay,.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top