BREAKING NEWS

Guddoomiye Jawaari oo maanta Khudbad Qiiro leh ka horjeedinaya golaha shacabka

Guddoomiyaha Xilka ka siidagaya ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawarai ayaa waxaa uu khudbad ka hor jeedin doonaa fadhiga xubnaha Golaha shacabka ee Maanta.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu Talaadadii la soo dhaafay shir ay wada jir u qabteen isaga iyo madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku sheegay in xilka Guddoonka Golaha shacabka uu ku wareejinayo xildhibaannada Golaha.

Jawaari ayaa la filayaa in khudbaddiisu ay ku saabsanaato ka tagista xilka,iscasilaaddiisa iyo sidoo kale dardaaran uu u jeedinayo Golaha shacabka ee uu xubinta ka yahay.

Shirkii Talaadadii ay wata qabteen isaga iyo madaxweynaha ayuu Jawaari ka sheegay in uu xilkaas u wareejinayo kaddib markii uu qaatay sida uu sheegay talooyin badan oo ay shacabka Soomaaliyeed u soo gudbiyeen uu ka doortay weedha ah “halla kala roonaado”,waxaana uu doortay sida uu sheegay in isaga uu tanaasulo.

Jawaari ayaa mooshinka isaga ka dhanka ah ku eedeeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya kaas oo xalay ku booqday Gurigiisa islamarkaana iyaga oo faraxsan ka soo muuqday baraha Bulshada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top