BREAKING NEWS

WAR DEG DEG AH-Dhaqdhaqaaqii Ugu Xooganaa oo Saaka Tukaraq Ka Socda iyo Ciidamo Sahan ah oo Is Helay.

Wararkii ugu dambeeyey ee maanta aanu ka helayno deegaamada Jiidda hore ee Tukaraq, Garoowe iyo Laascaanood ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo xoogan ay wadaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo fariisimo kuleh duleedka Tukaraq.

Xogta ayaa sheegaysa in saaka aroortii ay xaaladdu dagaal ku dhowaatay kadib markii ay is heleen kooxo sahan ah oo ku sugnaa agagaarka jiidda hore, inkasto ay ku kala laabteen fariisimadooda si ay gurmad u heleen taasina ay baajisay dagaal saaka dhaca.

Saraakiisha hogaaminaysa labada ciidan ayaa u muuqdaan kuwa u diyaar garoobay dagaal culus oo ka dhaca deegaanadaas, waxaana ilaa hadda aan muuqan saan-saan dhameystiran oo dagaal looga baaqsanayo.

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya gaadiidka dagaalka iyo ciidamada labada dhinacba ilaa xalay ay si buuxda u joogeen Tukaraq iyo deegaano badan oo cabsi laga qabi karo in ay saameyn ku yeeshaan dagaalo dhaca.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top