BREAKING NEWS

QM Iyo Imaaraadka Oo Ka Wada Hadlay Ammaanka Somalia, Xilli Uu Khilaaf Ka Dhexeeyo DFS Iyo Imaaraadka

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaani waxay Kulan Khaas ah ka yeesheen sidii ay QM iyo Imaaraadka isaga kaashan lahaayeen Hawlaha Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Wargeyska Al-bayaan ee ka soo baxa magaalladda Dubai ayaa qoray inuu Micheal Keating ka codsaday Dowladda Imaaraadka inay sii wadaan Taageerada kala duwan ee ay siiyaan DFS.

Dajiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaani oo ka hadlay Kulankaasi oo ka dhacay Dhismaha Safaaradooda ku taalla Muqdisho waxa uu xusay inay Kaalin ka qaadan doonaan Dadaalka Beesha Caalamka ee lagu taageerayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Danjiraha iyo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia ayaa isku af-garteen inay Safaaradda iyo Xafiiska QM ee Somalia ka wada shaqeeyaan Hawlgalladda dib loogu soo celinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankooda ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka u gudbisay Ururka Jaamacadda Carabta dacwad ka dhan ah DFS, oo ku aadan Diyaaradii waday Lacagtii Imaaraadka ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top