BREAKING NEWS

QM oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo Weeraradii Muqdisho

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa si adag loogu Cambaareeyay Weeraradii Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Xog-hayaha Guud waxaa uu si adag u cambaareynayaa weerarradii  ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen tiro badan oo dad rayid ah ayna ku dhaawacmeen qaar kale oo badan. Waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ku waxyeeloobay, iyo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxaa uuna sidoo kale boogaadinaya jawaab celintii ciidamada ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri  Stéphane Dujarric, Af-hayeenka Xog-hayaha Guud

Xog-hayaha Guud waxaa uu mar kale xaqiijinaya in Qaramada Midoobay ay si buuxda ugu taageerayso hay’adaha Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo dadaalkooda ku aaddan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo xasilloon.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top