BREAKING NEWS

Madaxweyne Butefliqa oo ka digay qalalaaso ka dhaca Aljeeriya

Madaxweynaha xanuunsanaya ee dalka Aljeeriya, Cabdulcasiis Butefliqa ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo musharraxnimadiisa doorashada soo socota.

Warqad lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalkaasi, APS, ayaa 82 jirkan ku xanuunsan magaalada Geneva waxa uu ku ammaanay dibedbaxayaasha “sida nabadda leh ee ay fekerkooda u cabireen”.

Balse waxa uu ugu baaqay inay iska jiraan “suuragalnimada ah inay ku soo dhex dhuuntaan xooggag dibedda iyo gudaha laga soo diray”.

Madaxweyne Butefliqa ayaa bishii hore shaaciyay inuu mar shannaad u tartamayo madaxtinnimada Aljeeriya.

Waxa uu dalkaasi xukumayay 20 sano, balse inta badan fagaarayaasha kama uusan soo muuqan tan iyo markii uu xanuunka shalalka ku dhuftay sanadkii 2013-kii.

Dibedbaxyo ay horkacayaan ardayda, qareennada iyo weriyayaasha ayaa dalkaasi ka bilowday markii uu Butefliqa shaaciyay musharraxnimadiisa.

Warqad kale oo uu qoray ayuu ku sheegay inuu durbadiiba xilka wareejin doono haddii dib loo doorto, balse dibedbaxyada ayaa sii socday.

Madaxweynaha ayaa tan iyo 24-kii Febraayo ku jiray cisbitaal ku yaal magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana kooxdiisa ololaha ay sheegtay in xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Afhayeen u hadlay cisbitalka Geneva University Hospitals (HUG) oo ah halka uu yaallo Butefliqa ayaa sheegay in Talaadadii oo keliya ay usoo dhaceen 1,500 oo wicitaanka telefoonka ah, ka dib markii uu telefishin Faransiis ah shaaciyay in cisbitaalkaasi uu jiifo madaxweynaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top